Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamanka Galmudug oo la doortey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug ayaa la doortay kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusomareeb, oo ay codeeyrrny 89 xildhibaan.

Doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cabdullahi Xirsi Maxamuud iyo Saadaq Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim, waxaana 59 cod helay Cabdullaahi Xirsi Maxamuud oo loo doortey guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Galmudug, halka Saadaq Sheekh Yuusuf uu heley 29 Cod.

Saadaq Sheekh Yuusuf ayaa waxaa aad u taageerayey kooxda Ahlu-Sunna, waxaana guul-darradan ay ka dhigan tahay in kooxda ay u muuqato inaysan wax jago sare ah ka heleyn hoggaanka Galmudug

Dhinaca kale, Cabdullahi Xirsi Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Dir, waxaana la sheegay inuusan kooxna ku xirneyn.

Sidoo kale waxaa goordhow bilaabatey u codeynta musharixiinta u tartameysa xilka Guddoomiye ku-xgeenka labaad ee Baarlamanaka Galmudug oo ay ku tartamayaan Faatima Cabdi Cali iyo Maxamed Axmed Maalin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this