Deeq A. Posted January 16, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta dhageysatay hadal-jeedinta murashaxiinta gudoonka Golaha Wakiilada maamulkaas. Murashaxiinta ayaa tiradooda lagu sheegay todoba, kuwaasoo buuxiyey dhamaan shuruudaha la hor-dhigay. Hadal-jeedinta murashaxiinta ayaa si toos ah looga baahinayey qaar kamid ah muuqaal-baahiyeyaasha maxaliga ah. Saddex kamid ah murashaxiinta ayaa u tartameysa xilka afhayeenka, laba kale ayaa u taagan ku xigeenka koowaad, labada kalena waa ku xigeenka 2aad. Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashadda gudoonka, waxaana loogu jiraa diyaar-garowgii u dambeeyay. Kulamo siyaasadeed oo lagu kasbanayo kalsoonida mudaneyaasha ayaa ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb oo martigelineysa doorashooyinka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites