Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashaxiin la hadlay baarlamaanka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta dhageysatay hadal-jeedinta murashaxiinta gudoonka Golaha Wakiilada maamulkaas.

Murashaxiinta ayaa tiradooda lagu sheegay todoba, kuwaasoo buuxiyey dhamaan shuruudaha la hor-dhigay.

Hadal-jeedinta murashaxiinta ayaa si toos ah looga baahinayey qaar kamid ah muuqaal-baahiyeyaasha maxaliga ah.

Saddex kamid ah murashaxiinta ayaa u tartameysa xilka afhayeenka, laba kale ayaa u taagan ku xigeenka koowaad, labada kalena waa ku xigeenka 2aad.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashadda gudoonka, waxaana loogu jiraa diyaar-garowgii u dambeeyay.

Kulamo siyaasadeed oo lagu kasbanayo kalsoonida mudaneyaasha ayaa ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb oo martigelineysa doorashooyinka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this