Sign in to follow this  
Deeq A.

Murashaxiin la hadlaya baarlamaanka Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Murashaxiinta gudoonka baarlamaanka Galmudug ayaa qorshuhu yahay in ay maanta la hadlaan Xildhibaanada cusub.

Murashaxiinta oo tiradoodu ay gaareyso todoba ayaa shalay guddiga doorashooyinka u gudbiyey araajadooda iyo taariikh nololeedkooda.

Saddex kamid ah murashaxiinta ayaa u tartameysa xilka afhayeenka, laba kale ayaa u taagan ku xigeenka koowaad, labada kalena waa ku xigeenka 2aad.

Maxamed Xuseen Tahliil, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Galmudug, ayaa kalsooni ka muujiyeen in hadal-jeedinta si fiican u dhacdo.

lLoolanka doorashooyinka Galmudug ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo lagu kasbanayo xeer-dejinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this