Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Somaliland Oo Faah-Faahisay Dilkii Toogashada Ahaa Ee 6 Qof Lagu Fuliyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Qoraal kasoo baxay Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa lagu faah-faahiyay xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maanta xukuumadda Somaliland ku fulisay Lix qof oo rag, kuwaasi oo sannadihii dambe u xidhnaa.

Waxaa lagu sheegay Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta Somaliland in 6-da Nin ee dilka toogashada ahaa lagu fuliyay ay hore dad kala duwan ugu geysteen dilal, isla markaana Maxkamadda Sare ee Somaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah.


Qoraalka Xafiiska xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa waxaa uu qoran sidan:

Iyadoo la fulinaayo amarna maxkamad sarre waxaa , saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacadu markay ahayd 7:45 daqiiqo waxaa Dil toogasho ah lagu fuliyay Gacan ku Dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahin Faarax. Ina Aamina Maxamed , kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun maxamed Cabdi saleebaan.

2: Gacan ku dhiigle Xasan muxumad cismaan Ina shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun ismaaciil faarax maxamad.

3: Gacan kudhiigle khadar Aleel xirsi Ina maryan cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun siyaad Cabdi muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan maxamad Xasan Ina khadiija khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Ibraahin Axmad Muuse.

5: Gacan ku dhiigle Caydaruus khadar Haybe ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .

6: Gacan ku dhiigle Cabdilaahi Ismaaciil Xayd ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu ugaystay marxuun Garaad Aadan Maxamad.

Goobta_Qisaasta
Waxaa dilkaasToogashada Qisaasta ah lagu Fuliyey Goob fagaare ah Taas oo ka soo Horjeeda Xabsiga Mandheera.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this