Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada maamulkaasi ay ka sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horreyn Cabdinuur ayaa sheegay in howlgallada si gaar ah looga fuliyey deegaanada Cabdalla Biroole, Yaaq Bishaaro iyo tuulooyin hoostaga Jamaame.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu khaarijiyey illa afar xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala deegaanada Jubbaland ayaa kordhiyey dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this