Deeq A. Posted January 13, 2020 Booliska Kenya ayaa ka warbixiyey weerar khasaare geystay oo xalay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Gaarisa ee G/Waqooyi Bari dalkaasi. Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa xaqiijiyey in dagaalyahanbada weerarka soo qaaday ay markii koowaad rasaas ku fureen ciidamo ku sugnaa saldhig halkaasi ku yaala, kadibna ay isku dayeen in ay burburiyaan Ateeno ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Safaricom. Intaasi kadib Booliska ayaa sheegay in Al-Shabaab ayaa gudaha u galeen iskuul ku yaalla tuulada Kamuthe, halkaasina ay ku dhex dileen illaa saddex Macalin. Taliyaha Booliska gobolka Woqooyi Bari, Paul Soi ayaa sheegay in haatan baaritaan dheeraad ah ay sameyn doonaan, si cadaaladda loo horkeeno dadkii weerarkaasi geystay, islamarkaana xilligan ay soo qabashadooda ku howlan yihiin ha’yadaha sirdoonka dalkaasi. Al-Shabab ayaa inta badan weeraro khasaaro geysta ka fulisa deegaanada dhaca xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites