Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo saaka la wareegay Tooratoorow

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangarafta Soomaaliya oo garab ka helaya kuwo Mareykan ah ay la wareegeen deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in ciidamadu ay si nabdoon ku qabsadeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay barakac xoogan, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Tooratoorow oo 75 KM u jirta degmada Awdheegle ayaa waxaa in muddo ah ka talinayey Al-Shabaab, waxaana ugu tiilay maxkamad ay ugu yeeri jireen shacabka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this