Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Booliiska oo fuliyay Hawlgal dad lagu soo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyay xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo dad kala duwan lagu soo qabtay, ayaa laga sameeyay guryo ku yaalla degmada Boondheere, waxaana fuliyay  Ciidamada Booliska  oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka.

Dadka howlgalkaasi lagu soo qa-qabtay dhalinyaro ahaa, ayaa ciidamadu kala soo baxeen guryo ku yaalla inta u dhexaysa Isgoyska Daljirka Dahsoon illaa Afarta Jardiin,o kadib markii ciidamadu u daateen guryahaasi.

Booliiska gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii u dambeeyay hawlgalo xilliyada habeenkii ah ka waday gudaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo lagu soo qabtay dad kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Booliiska oo fuliyay Hawlgal dad lagu soo qabtay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this