Maaddeey Posted November 24, 2009 Xag-jirnimada diinta waqti walba waa jirtaa, waxayna badan tahay markii mad-madow yimaado, Waqtigii Saxaabada (rc) ayay bilaabatay, si wanaagsan oo xikmad & cilmi ka buuxdo ayayse ku daweyn jireen. Waxaa jira tusaalooyin Ibnu Cumar & Ibnu Cabbaas (rc) ay si yaab leh dad dhunsan xaqqa ugu soo celiyeen, haddase waxaan rabaa inaad ila aragtaan sheekadan dhex martay Jaabir-bin-Abdullaahi (rc) & Taabici wayn oo la yaraahdo YAZEED AL-FAQEER, sidan ayayna u dhacday, waxana ka sheekeynaya taabiciga Yazeed ah: 'Waxaan caashaqsanaa ra'yiga khawaarijta, waxaan soo aadnay XAJka innagoo fara badan, oon rabnay inaan soo xajinno kadibna aan dadka ku baxno 'la dagaallanno', waxaan soo marnay Madiina, waxaan ku aragnay Jaabir binu Cabdullaahi oo rasuulkii (cs) ka sheekeynaya, wuxuu sheegayey dad jahannama laga soo saari doono, waxaan ku iri: 'Rasuulkii saxiibkiisoow, waa maxay waxaad sheegeysaahi, sow Alle ma dhihin: 'waxay rabaan iney ka baxaan (naarta), mana aha kuwo ka bixi doona, waxayna leeyihiin cadaab daa'imaya' maidah 37, markaan sidaa iri ayaa raggii la joogay igu qayliyeen, Jaabir baase iga celiyey oo yiri u kaadiya, wuxuu i yiri: 'Quraanka ma akhisay?' 'haah, oo waan dhameeyey' baan ugu jawaabay, 'aayadda ka horreysa akhri, waa gaalada waxa laga hadlayaa oon naarta ka soo baxaynin' intaa markuu noo sheegay ayaan isku laabannay, mabda'iina ka laabanay hal nin maahane'. Qisadaa waxay noo sheegeysaa, dadkaa cibaado doon iney ahaayeen oo qur'aanka xafidsan, laakiin mas'aladu ka wareersaneyd, Culimaduna tahay kuwa la rabo mar walba iney mabaadii'daa qaldan saxaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites