Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada cusub ee Galmudug oo la dhaariyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Mudaneyaal gaaraya 77 oo kamid ah baarlamaanka labaad ee Galmudug ayaa maanta lagu dhaariyey Dhuusaamreeb, caasimada maamulka.

Xildhibaanadda ka dhiman wadarta guud oo ah 89 ayaa la sheegay in ay ku maqan yihiin howlo kale iyaddoo qaar kale aanan wali lasoo xulin.

Madasha lagu dhaariyey xubnahaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa sharcidejiyeyaal ka tirsan Aqalka Hoose iyo mas’uuliyiin dowladda federaalka Soomaaliya ka socday.

Talaabada xigta ayaa lagu sheegay in ay yeelan doonan fadhigoodii koowaad, iyaddoo kadibna la guda geli doono doorashadda madaxtinimadda dowlad goboleedkaas.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this