Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ku-xigeenkii NISA ee gobolka Shabellaha Hoose oo lagu toogtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa Maanta lagu toogtay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Taliyaha waxaa Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ku toogtay kooxo ku hubeysan buskoolado oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dhaayow Cusmaan Aadan, waxaana la sheegay inuu dhawaan yimid Magaalada Muqdisho.

Dhaayow ayaa horey uga tirsanaan jiray Maxkamadihii Islaamiga ee muddo 6 bil ah maamulayey Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ahaa Taliye ku xigeenka Hey’adda NISA ee SH/Hoose iyo taliyaha Degmada Qoryooley.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay inay isaga baxsadeen goobta, waxaana daqiiqado kadib soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo sidii looga bartay sameeyey baaritaan ku kooban goobta uu falka ka dhacay iyadoo la ogyahay in kooxaha wax dilo ay isaga tagaan guud ahaan goobta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this