Sign in to follow this  
Deeq A.

Qodobada Lagaga Hadlay Kulankii Galabta Ee FARMAAJO Iyo Isaias Afwerki

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Asmara)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa galabta kulankii koowaad ee safarkiisa la yeeshay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

FB_IMG_1578658888624.jpg

Maskel ayaa sheegay in Farmaajo iyo Afwerki ay wada-hadallo qoto-dheer ka yeesheen horumarka xiriirka labada dhinac iyo arrimaha gobolka ee danta ay ugu jirto labada dal.

Waxaa uu xusay in labada madaxweyne ay sidoo kale muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin horumarka laga sameeyey fulinta heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

“Waxay isku raaceen inay sare u qaadaan dadaalka wadajirka ah ee lagu adkeynayo wada-shaqeynta saddexda dal, iyo is-dhexgalka gobolka.” Ayuu yiri wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Meskel ayaa sheegay in labada madaxweyne ay sidoo kale xuseen horumarka wanaagsan ee Soomaaliya ay sameysay, ayna hoosta ka xariiqeen go’aan dadaallo dheeri ah lagu gelinayo sidii loo xoojin lahaa hay’adaha muhiimka, gaar ahaan qeybaha amniga iyo difaaca iyo dib u habaynta dhaqaalaha iyo kaabayaasha, ayna labada dal dadaal isku mid ah gelin doonaan taas.

Sida uu sheegay Meskel, Farmaajo iyo Afwerki ayaa ugu baaqay dhammaan saaxiibada Soomaaliya inay taageero muhiim ah siiyaan si ay u xoojiso hay’adaha dowliga iyo awoodda qaranka uu uleeyahay fulinta waxyaabaha muhiimka u ah Soomaalida.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this