Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo iyo Afwerki oo wada-hadallo ku leh Asmara + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo uu wada-hadallo ku leeyahay.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Asmara International Airport kusoo dhoweeyey madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu Asmara ku sugnaan doono muddo laba maalmood ah, halkaasi oo labada hoggaamiye ay wada-hadallo ku yeelan doonaan.

Dowladda Eritrea ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la noqday dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna si qarsoodi ah u tababartaa ciidamo Soomaali ah. Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa sidoo kale ku wada jira Isbaheysi saddex geesood ah.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma oga ujeedka safarka madaxweynaha, hase yeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli uu dhowaan Afwerki kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Imaaraadka, kadibna uu ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay wadahadallo ku yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Booqashadan ayaa sidoo kale imaneysa xiili xiisad ay ka dhex oogan tahay dowladda Eritrea iyo dowladda Qatar oo aad ay isugu dhow yihiin Villa Somalia, mana cadda sida booqashada madaxweynaha ay tan u saameyn doonto.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa qoraal ay soo saartay 28-kii November 2018 waxa ay ku eedeysay Qatar in dalkeeda ka waddo kicin dadweyne, khaarijin, dhibaateyn dhaqaale, iyo kharbudaad dhinac walba ah.

Dowladda Qatar ayaa iska diiday “eedeymahaas been abuurka ah”, waxayna sheegtay inaysan wax shaqo ah ku lahayn koox ama kooxo ku sugan dalka Eritrea, taasina ay dowladda Eritrea “si wanaagsan uga war-hayso.”

Farmaajo-Afwerki-1-scaled.jpg Farmaajo-Afwerki-2-scaled.jpg Farmaajo-Afwerki-3-scaled.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this