Sign in to follow this  
Deeq A.

“Somaliland Waxa Ay Qorsheyaal Gooni Ah Ku Yeelandoontaa Doorashada Wakiiladeeda Barlamaanka…” Soomaaliya Oo Farriin U Dirtay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa farriin ku saabsan doorashada dalka ka dhici doonta dhammaadka sanadkan iyo horaanta sanadka soo socoda u diray dalalka taageera Soomaaliya iyo Deeqbixiyeyaasha Caalamka.

202018637141066276427888.jpg

Qoraal ku qornaa luqada English-ka ayaa loo diray Qaramada Midoobey Midowga Yurub, UK iyo Mareykanka, iyadoo lagu ogeysiiyay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Qaramada Midoobey, Deeqbixiyeyaasha iyo AMISOM ayaa looga mahadceliyay taageerada farsamo, dhaqaale iyo amni ee ku aadan doorashada 2020/21.

Qoraalka Guddoomiye Mursal u diray Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in sharcigii ay ansixiyeen Golaha Shacabka uu ahaa mid waafaqsan Dastuurka, isla markaana muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos u soo dooranayaan Xildhibaannada.

“Sharciga ay ansixiyeen golaha shacabka wuxuu waafaqsan yahay dastuurka waxaana la filayaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan xildhibaanada, waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan kuu xaqiijiyo in xeerka doorashada uu noqon doono mid dhaqan gala waqtigiisa sanadka 2020/21-ka inkasta oo dhowr arrimood oo wali u baahan is waafajin siyaasadeed iyo dood dheer oo Baarlamaanku leeyahay, iyada oo looga doodi doono arrimahaasi fadhiyada golaha shacabka ee soo socda”ayaa lagu yidhi qoraalka uu Guddoomiye Mursal u diray Beesha Caalamka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Baarlamaanka uu Guddi farsamo ka soo saari doono mustaqbalka degmooyinka iyo kuraasta Xildhibaanada, lana diyaarin doono qabyo qoraal gaar ah oo ku saabsan qaabka sida loo qeexi doono Golaha shacabka iyo kuraasta loogu qoondeeyay goob walba.

Sidoo kale waxaa Guddiga farsamo ee arrintan ka shaqeyn doono ay wadatashi la yeelan doonaan dhammaan saamileyda siyaasadda oo ay ku jiraan dowlad goboleedyada xubinta ka ah dowladda Federaalka, kadibna ay soo bandhigi doonaan qaraar soo jeedin ah kalfadhiga xiga ee Baarlamaanka.

Qoraalkaan oo xafiiska guddoomiyaha ka baxay lixdii bishaan, ayuu kula hadlayaa, Midowga Yurub, Ingiriiska, Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, isagoo u sheegaya in Somaliland qorsheyaal gooni ah ku yeelandoonto doorashada kuraasta wakiiladda matalaya barlamaanka soo socda.

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in uu baarlamaanka si dhow ula shaqeyn doono guddiga qaran ee doorashooyinka, si loo ogaado loona xalliyo wixii farsamo ah ee saameyn ku yeelan kara dhaqan galka qaraarka Somaliland.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka:-

1-763x1024.jpg 2-847x1024.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this