Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay hawlgal laga fuliyay Jubada Hoose.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimadda Online) Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ay deegaaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ka fuliyeen Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Deegaanka Yaaq Bishaaro oo dhanka galbeed kaga aadan magaalada Kismaayo ayey ciidanka hawlgalo ka fuliyeen, waxeyna sheegteen iney halkaas ku dileen dhawr xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdinuur Mooge oo ah afhayeenka Hay’adda Amniga Jubbaland ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay iney afar ka mid ah Al-Shabaab ku dileen hawlgaladii ay ka sameeyeen duleedka Kismaayo, sidoo kalana waxey qirteen iney ka qaateen hubkii ay isticmaalayeen.

Cabdinuur wuxuu qiray in tirada xubnaha ay ka dileen Al-Shabaab ay gaarayaan ilaa afar, isla markaana hawlgalka ay fuliyeen uu qeyb ka yahay qorshaha la doonayo in Gobolada Jubooyinka looga saaro Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this