Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Cumar Finish ula jeedaa weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho waa laga hortagay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa sheegay inay ka hortageen weeraro Shabaab ay doonayeen inay ka gaystaan Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay Shabaab inay isku dayeen bur burinta goobaha Bulshada isugu timaado, islamarkaana Ciidamada ammaanka arrimahaasi ay ka hortageen.

Waxa uu sheegay Muqdisho inay yaalaan Koontaroolo badan oo lagu hubiyo gaadiidka, islamarkaana Shabaab ay awoodi waayeen gaari qarax Magaalada inay soo galiyaan.

“Waxaa ay mareysaa in Al-Shabaab ay u suuro geli weysay inay burburiyaan meelaha Bulshada loogu adeego,waxaana sameynay koontoroolo farabadan oo amniga laga ilaaliyo,waxaana dowladda ka go’an inay ka hortagto weerarada Al-Shabaab ayuu yiri.”Ayuu yiri Duqa Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka Muqdisho uga mahadceliyay wada shaqeyn uu sheegay inay la leeyihiin laamaha ammaanka, islamarkaana arrimahaasi guulo lagu gaaray.

Shalay ayeey aheyd markii Isgoyska Sayidka uu ka dhacay Qarax gaari loo adeegsaday, halkaasi oo ay ku dhinteen Shan ruux oo uu ku jiro Agaasime ka tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this