Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninkii Kaliya Ee Ka Noolaa Afartii Nin Ee Saxeexay In Somaliland Ay Xornimadeeda Ka Qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmedkeyse) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 08/01/2020, dalka Maraykanka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo door muhiima ka soo qaatay halgankii xornimo doonka iyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda uga qaadan lahayd maxmiyadii boqortooda Ingiriiska 1960-kii, isagoo ka noolaa afartii qof ee ku wehelinaayey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Shantii Bishii May, sannadkii 1960-kii saxeexii ay Somaliland xornimadeeda kaga qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June, raggaas oo kala ahaa Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur, Maxamuud Cabdi Carraale iyo Axmedkeyse Ducaale,sidoo kale waxa uu ka mid noqday afartii wasiir ee ay Somaliland yeelatay markii ay midoobeen labad dal ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu marxuumku kaalin mugweyn ku lahaa taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this