Deeq A. Posted January 8, 2020 Dowladda Australia oo dileysa 10-kun oo geel ah+Sababta Maanta oo Arbaca ah, dowladda dalka Australia ayaa bilaabeysa dilka 10-kun oo geel ah kuwaas oo biyaha ka dhammeeyay xilli ay dalkaasi ka socoto musiibo dab. Geelaan la dilayo ayaa ku sugan koonfurta dalka Australia, halkaas oo ay ka socoto musiibadda dalka oo geystay khasaare laxaad leh. Dhibaato kale ayuu geelaan duur-joogta ah sidoo kale ku hayaa dadka ku nool deegaanada uu ku sugan yahay, waxaana uu biyo usoo doontaa xaafadana maadaama dalkaasi uu iminka ka taagan yahay roob iyo biyo yari. Geelaan ayaa duulaan kusoo qaada xaafadana, waxaana uu jajabiyaa gurya isagoo baadi-goobaya biyo, waxaana ka cabanaya dadka oo ka codsaday dowladda in ay ka qabato. Leynta geelaan ayay dowladdu u adeegsan doontaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ay saaran yihiin shiish-yahanno ku xeeldheer ugaarsiga duur-joogta. Dalka Australia ayaa waxaa ku nool boqollaal kun oo geel duur-joog ah kuwaas oo waqti hore dalkaasi la geeyay, xilli alaabo loogo rartay, looguna adeegsan jiray gaadiid dalkaasi. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites