Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda dalka oo ku kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu maalmo ka hor magacaabay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre ayaa maanta kulankoodi ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),oo sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”.

 “Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo” ayuu yiri Maareeye.

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan degmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan lixdan guurada maalmaha xoriyadda dalka.

PUNTLAND POST

The post Muqdisho: Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda dalka oo ku kulmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this