Sign in to follow this  
Deeq A.

Jay Bahadur oo shaaciyey laba ujeedo oo Al-Shabaab ay ka lahaayeen weerarkii saldhigga MAREYKANKA

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar culus ku qaaday saldhigga ay adeegsadaan ciidamada Kenya iyo kuwa Maraykanka oo ku yalala gobolka LAMU.

Weerarkan waxaa ku dhintay askari Maraykan ah iyo laba qandaraaslayaal ah. Dawladda Kenya weli ma shaacin waxyeellada dhinacooda soo gaadhay.

Waxaa kaloo halkaasi ku dhintay shan ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab sida ay sheegtay Dowladda Kenya inkastoo aysan weli Al-Shabaab ka hadlin haddii dagaalyahano laga dilay

Haddaba Jay Bahadur oo ah Xiriiriyihii hore ee Guddiga Khubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ku sugan Kenya ayaa shaaciyey laba sabab oo keentay inay Al-Shabaab weeraraan Saldhigga Mareykanka ee Lamu isagoo wareysi siiyey Idaacadda VOA.

Midda koowaad ayuu ku sheegay inay tahay Dowladda Mareykanka oo kor u qaaday duqeymaha ay la beegsato xarumaha Al-Shabaab tan iyo markii uu xilka madaxweynimo ee Mareykanka qabtay Trump isla markaasna awoodda go’aan gaarista la gaarsiiyey ilaa saraakiisha hoose.

Midda Labaad ayuu ku sheegay inay tahay Al-Shabaab oo ku fashilmay weerarkii ay ku qaaday September Saldhigga garoonka Diyaaradaha Balidoogle kaasoo uu ku sheegay inay ku fashilmatay ayna hadda dooneysay inay jabkaas kasoo kabato.

Mar wax laga waydiiyey haddii Dowladda Mareykanka ay ka aargudan doonto Al-Shabaab ayuu sheegay inay Mareykanka mar kasta u qorsheysan tahay inay weeraro la beegsadaan madaxda Al-Shabaab iyo goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyadooda.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/01/0ed4bae3-2555-48ad-934e-14a0e333fd54_48k.mp3

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this