Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Gaarisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay ka fuliyeen nawaaxiga magaalada Gaarisa, xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lala beegsaday saldhig ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Sareedo Bilcaan oo ka tirsan magaaladaasi.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaan ayaa sheegtay inay ku dishay 2 askari, sidoo kalena ay gubtay saldhigga uu dagaalku ka dhacay, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka Booliska Gaarisa, Kibet Bowen oo la hadlay warbaahinta sheegay inay ciidankooda ka hortageen weerarka, islamarkaana ay sameeyeen iska caabin xoogan.

Taliyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii Al-Shabaab ee weerarka ka dambeeyey.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa afar qof oo rayid ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Maalintii sabtida ayey aheyd markii dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab ay weerar xoogan oo khasaare geystay ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka xeebta Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this