Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo xariga ka jaray aargada KM0 + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho (SMN) – Dhismaha aargada KM-0 oo ay si casri ah u dhistay wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xariga kajaray guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).
Goobtan ay bilicda ka muuqato waa KM-0 waana halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa iyadoo darbiga ama gidaarka dhismaha lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan.
Degmooyinka Cabdicasiis, Shibis iyo Shangaani ayey sidoo kale kulmisaa aargadaan KM-0  waxaana guddoomiyaha Degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa ka mahadceliyay.
Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in dhismaha aargada KM-0 ay ku wareejin doonan dowlada hoose Xamar.
Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijaar) wax uu ka hadlay ahmiyada ay goobtan lee dahay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka gobolka oo kaashanaayo DFS ay xoojin doonaan hirgalinta mashaariic waxtar uleh Bulshada iyo Qaranka.
.FB_IMG_1578215574231.jpg FB_IMG_1578215591481.jpg FB_IMG_1578215548308.jpg FB_IMG_1578215603598.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this