Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo kulan la qaatay saraakiisha AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada HirShabelle, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa lagu soo qaaday, sidii la’isugu furi lahaa waddooyinka go’doonsan ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HirShabelle waxaa weli deegaano ka tirsan ku xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab oo inta badan weeraro ku qaada fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this