Sign in to follow this  
Cowke

Galkayo Municipial Govt Burns Expired Medicine

Recommended Posts

Cowke   

Daawo_Dhacday.jpg

 

Allidalaamale:-Waaxda faya dhawrka Dawlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Maanta meel fagaara ah, Duleedka Magaalada waxay ku gubtay Dawo dhacday oo ay Magaalada Gudaheeda ka soo saareen.

 

Dawadan ayaa Waxay ka koobnayd Sharoobooyin, kiniin, Felembooyin, Daawada Cadayga, Caanaha Caruurta yaryar ee Mamax-ta,blastic-yo loogu talagalay Dumar umusha ah,Cirbado iyo noocyo kaloo badan oo Culays ahaan lagu qiyaasay ilaa 2 tan.

 

Waaxda faya dhawrka Dawlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Daawadan Dhacday waxay ka soo ururisay Pharmacy-ada Gaalkacyo oo aad u farabadan, Waxaa goobtii lagu gubayay Goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Wasaarada Caafimaadka Puntland, Xubno ka mid ah Waaxda Fayadhawrka Dhawlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo, Agaasimaha Mashaariicdaiyo Xirirka Hay,adaha ee Dawlada Hoose, Xubno ka socday Cisbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo, Waxaa si bareer ah Dab loo qabadsiiyay Dawadii dhacday ee laga soo aruuriyay Pharmacy-ada Magaalada Gaalkacyo.

 

Masuuliyiin kala duwan oo Gobtaasi ka hadashay Waxay ku celceliyeen Dhibaatada ka imaan karta Dawada Dhacday ee Dadka laga Gadayo, waxayna tilmaameen Qof Bulshada ka gaday Dawo dhacday in uu la mid yahay Dilaaga Xabada Wax ku dila.

 

Waxayna ugu baaqeeyn Bulshada Qaybaheeda kala duwan in ay ka feejignaadaan Dawooyinka ay laga iibinayo, si meesha ay ugu baxdo dhibaato ka soo gaari lahayd hadii uu qofku cuno Dawo dhacday.

 

Dhinaca kale Masuuliyiintan Waxay ugu baaqeen Dadka Dawooyinka ka ganacsada in aysan ku dhiiran Iibsiga shay Wax u dhimaya caafimaadka Walaalkood.

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Good job galkayo district govt. Strict Regulations must be applied in the town to safeguard the peoples health. This is not hamar where cunto dhacay iyo daawo dhacay dadka lagu tijaabi karo.

 

Take that crap out of the city

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this