Sign in to follow this  
Deeq A.

“Qofkii Gardarro Loo Dilay Qiyaamaha Ayuu ALLE Agtiisa Ku Sugayaa Qofkii Dilay…” Sheekh Dirir

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Maxamed Sheekh  Cumar Dirir ayaa ummada uga digay qofka muslimka ah  daadinta dhiigiisa in aan   lagaga qeybqaadan qowl, ficil, maal iyo fikir midnaba.

Khudbadii Jimcaha ee shalay oo Sheekh Maxamed ku soo qaatay halista iyo cuqubada daadinta dhiiga islaamka  iyo in qofka islaamka ah lagu dilo gardarro, ayuu sheegay inuu saddex qodob midba inyar ka taaban doono; dilka siduu Islaamku u xaaraantimeeyey, cuqubada uu leeyahay adduun iyo aakhiraba iyo daliilada ku soo arooray Qur’aan iyo Xadiis-ba.

“Dilka qofka Muslimka aynu ka hadlayo waa marka gardarro lagu dilo, ciqaabteedu culayska ay leedahay, Quraanka ayuu ALLE SW ku caddeeyey, inuu shan ciqaabood oo culculus dul-dhigi doono. ‘Qofkii qof mu’min ah gardarro u dila, aan ka’ma ahayn, abaalkiisu waa naarta Jahanama inuu ku waaro, ILLAAHAY u cadhoodo, nacdashiisana dusha uu kaga tuuro, cadaab weyna waa loo diyaariyey’.

In qof muslim ah gardarro lagu dilo diimaha samaawiga oo dhan way xaaraantimeeyeen, diinta Islaamka keliya maaha, ALLE SW suuratul Maa’ida wuxuu ku sheegay ‘Qofka qof gardarro ku dila waxuu la mid yahay isagoo dadkoo dhan wada laayey, qofka qof qudha nooleeya (ama cadow haka nooleeyo ama cudur ama gaajo haka badbaadiyo), waxuu ka dhigan yahay isagoo dadkoo dhan wada badbaadiyey’ halkaa ayuu islaamku ka taagan yahay.

Arrinka daadinta dhiiga islaamku culayska ay leedahay, Ilaahay markuu qiyaamaha dadka oo dhan meel isugu keeno waa waxa ugu horeeya ee kala xukunkeeda la bilaabayo. Qofka Muslimka in gardarro lagu dilo waxay la mid tahay muqadasaadka oo xurmadooda meel looga dhaco, Nebi Maxamed NNKH waxuu khudbadii xajatul-wadaac “Dhiigiina, xoolahiina iyo sharaftiina inaad kala boobtaan ama waxyeelaysaan, waxay idiinka xaaraan yihiin, sida ay xaaraan idiinka yihiin bishan, maalinkan iyo xaramkan xurmadooda”.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in asxaabtii sidaa u fahmeen, arrinka noocaa ahna way ka fogaan jireen, dadkana uga digi jireen, isagoo raaciyey,

“Cabdilaahi binu Cumar RC, maalin isagoo ag fadhiya Kacbada ayuu sidaa u eegay oo yidhi ‘Aad baad u weyntahay, xurmadaaduna aad ayey u weyn tahay’, laakiin qofka Muslimka ah ayaa kaa xurmo weyn, markaa in qof a dilo wax aka sahlan buu leeyahay in kacbadan cagaf la mariyo.

Nebigu NNKH waxii xadiis saxeex ah ku sheegay, “Qofku godobta uu galo waxa ugu weyn dhiig Muslim”. Aakhiro ayuu Rasuulku NNKH ka waramay qofkii gardarada loo dilay qiyaamaha ayuu Ilaahay agtiisa ku sugayaa qofkii dilay, ama mag hala bixiyo ama kafaara-gud hala sameeyo, qofka dhintay xaqiisa qiyaamaha ayuu ku qaadanayaa. Xadiis kale Nebigu NNKH waxuu ku yidhi, “Dembi walba Ilaahay SW waxa laga yaabaa inuu dhaafo ilaa qofka Gaalnimo u dhinta ama qof muslim ah gardarro u dila mooyee.” Arrinkaasi halkaa ayuu gaadhsiisan yahay, Islaamku-na cuqubada uu u yeelay, xaaraantinimadiisana aduun iyo aakhiraba heerkaa ayuu gaadhsiiyey.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey asbaabaha keena ayaa sheegay inay ka mid ahay in qofka muslimku garan waayo xaqii iyo xigtanimadii walaalkiisa muslimka ah, waxaanu yidhi, “Qofka Muslimka ah xuquuqaha uu leeyahay way badan yihiin wax aka mid ah xaqa nolosha, Ilaahii SW daayey adigu ha u weydaaran, ee kuu diiday dilkiisa.  Waxaad kaloo garan la’dahay xigtanimadii iyo qofkii garab iyo gaashaan kuu ahaa, Ilaahay SW ayaa yidhi “Mu’miniintu waa walaalo”

Sababaha wax aka mid ah Jahli dhinaca Diinta ah, oo isagoo diin u socda dadka Muslimka laayo jahli daraadeed, maxay Khawaarijtu dadkaku laynayeen, Khulafaa’ul Raashidiin bay laayeen iyagoo Ilaahay SW ugu dhowaanaya, Cali binu Abu Daalib RC ayey u dhukuseen isagoo salad subax tukanaya oo dileen.

Nebigu NNKH ugumuu adkaysanayn inuu qofkoo diinta ka jaahil ah dadka laayo, laba qiso ayeynu ka soo qaadan oo saxeexa Bukhaari & Muslim ku sugan, waxay kaloo tilmaamaysa hubsiino la’aan uu ku laayo dadka muslimiinta. Nebigu NNKH ciidan ayuu diray uu hogaaminayey Khaalid binu waliid RC, qoladii markii la weeraray waxay isku dayeen inay Islaamaan laakiin ereygii ay u muujinayeen ayaa ka qaloocday, waxay yidhaahdeen “waanu ka baxnay..waanu ka baxnay” Khaalid iskama hubsane, wuu laayey, maxaabiisna wuu ka qabtay, iyadoo masaabiistii la hayo ayuu amar siiyey in qofwalba maxbuuska uu hayo dilo, Cabdilaahi binu Cumar RC oo ka fiqi badnaa ayaa yidhi, ‘aniga iyo intii iga talo qaadata, maxaabiista ma dilayno? Way sii daayeen. Khaalid binu waliid RC markii Nebigu NNKH warkiisii maqlay waxuu yidhi “Ilaahow barri ayaan ka ahay, waxuu Khaalid sameeyey” magtiina wuu bixiyey.

Jahli xaga diinta ah ayaa ka mid ah sababaha keena iyo qofkoo is-qanciya oo yidhaahda kan ashahaadaiisu mid soconaysa maahee dil, taasina diinta jahligeeda ayey ka mid tahay, waxaynu soo qaadanaynaa qisadii Usaama binu Zayd RC ee saxiixa ahayd, Usaama waxuu ahaa nin da’yar, Nebigu NNKH isaga wuu jeclaa, aabahiina wuu jeclaa, xoghaymahii Nebiga NNKH ayuu ka mid aha, laakiin maalintaa way seegtay oo is-qancintiisi ayaa keentay, Nebiga NNKH ayaa raaciyey qolo weerar loo diray oo saxaabada, markii saxaabadii jebiyeen colkii ayaa nin cararay ka dibna ashahaatay, isagoo ku celcelinaa, waxa eryanayey nin Ansaara iyo Usaama, ninkii reer Ansaar wuu ka fiqi roonaaday wuu ka istaagay, Usaama-na wuu dilay, Nebiga NNKH markii warkii la gaadhsiiyey, Usaama ayuu u tegay oo ku yidhi ‘waar miyaad dishay, ‘haa waa dilay’ Nebigaa NNKH ayaa ku yidhi “Ma markuu ashahaatay ayaad dishay, saddex jeer ayuu ku celiyey, markaa Usaama is-qancintii ayuu sii waday oo waxuu yidhi ‘ashahaadada seefta ayuu ka hoos gelayey, ee dhab kama ahayn? Nebigu NNKH waxuu ku yidhi, “Maxaad qalbigiisa u jeexi weyday,” hadaad doonayso inaad ogaatid, hadii kalena ugu qanci weyday? Usaama aad ayuu uga murugooday? Khalad jahli ah oo is-qancin ah ayuu ku dhacay.

Sababaha keena dilka qofka muslimka wax aka mid ah casabiyadda, qofkoo qabiil ku dagaalama, oo waataa aynu arkayno marwalba soo noqnoqonaysa, ummada Ilaahay SW waxuu ka doonayey inay Umad ahaan u noolaadaan aan Qabaliyad ahayn, waad arkaysaa Gaaladu Umad ahaan ayey aduunka ku qabsadeen, Islaamkana waxa googooyey Qabaliyad ayey u noolyihiin? Ummada Islaamka Ilaahay SW waxuu la doonayaa inay Ummadnimmo u noolaadaan.

Sababaha wax aka mid ah in gacmo shisheeye jiraan, ama qabiilka ha soo dhexmarto, ama mid kursi doonaya, taana aad ayey shisheeyahu u isticmaalaan. Ilaahay SW ayaa yidhi “Markastoo Gaaladu dab soo shidaan, annigaa ka bakhtiiya Muslimka ayuu yidhi ILAAHAY SW.

Sababaha waxa ka mid ah qofkoo hankiisu yar yahay, xoogaa maal ah iyo xoogaa mansab ah dadka ku laynaya, Nebiguna NNKH wuu ka sii digay “Faqri idiinka cabsan maayo, laakiin in aduunyada la idiin fidiyo oo isku dishaan ayaan ka cabsanayaa”.

Arrimahaa waxa sii raaci kara qofkoo kibir iyo is-muujin wada, dadka Muslimiinta madaxda u ah dadka u laayaan, laakiin taariikhdooda dhanka Alle iyo dhinaca ummadaba liiska madow ayey galaan.

Gebagebadii qofkii gefkaa gala towbad ayaa u furan, oo jamhuurka Culimadu isku raacsan yihiin hadaan qofku dhiiga dadka xalaashan, waa laga towbad aqbalayaa. Ilaahay SW ayaa yidhi “dadka ashahaadanayoow Ilaahay SW u toobad keena”  markaa gaal iyo islaam-ba towbadu way u furan tahay. Waxuu Nebigu NNKH ka waramay ninkii markii boqol qof dilay Ilaahay SW u toobad keenay, laga toobad aqbalay. Toobada shuruudaheeda waxa ka mid inuu isu-dhiibo oo la qisaaso, ama la cafiyo oo mag laga qaato dadka uu godobta ka galay, Ilaahay SW ayaa yidhi “Qofka gardarro lagu dilo cidii xigtadiisa ahayd awood ayaa la siiyey,” awoodaana Nebiga NNKH ayaa fasiray oo yidhi “Waxa weeyey in qofkii la dilay xigtadiisa uu qofkii dilay isku dhiibo, oo i-qisaasa, ama mag iga qaata ama iska-kay cafiya” markaa waa inaan qofka muslimka ah dhiigiisa lagaga qeybqaadan qowl, ficil, maal iyo fikir midnaba

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this