Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo kulamo kawada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magalaada Dhuusameeb kula kulmay Maanta Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ka xog wareystay sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Dadka reer Xeraale iyo Huurshe.

Odaayasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka u sheegay in heshiiskaas uu guulaystay, haatanna Dadku ay ku noolyihiin nabad iyo degganaasho.

Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahadceliyay Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen howlaha nabadaynta, wuxuuna kula dardaarmay in la sii xoojiyo dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha.

K1-1.jpg k2.jpg k3.jpg k4.jpg k5.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this