Deeq A. Posted January 3, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa Magalaada Dhuusameeb kula kulmay Maanta Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ka xog wareystay sida uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee Dadka reer Xeraale iyo Huurshe. Odaayasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka u sheegay in heshiiskaas uu guulaystay, haatanna Dadku ay ku noolyihiin nabad iyo degganaasho. Mudane; Xasan Cali Khayre, ayaa uga mahadceliyay Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada sida wanaagsan ee ay uga shaqeeyeen howlaha nabadaynta, wuxuuna kula dardaarmay in la sii xoojiyo dib u heshiisiinta iyo wada noolaanshaha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites