Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada Galmudug oo saacadaha soo socdo ku dhawaaqi doono liiska Xildhibaanada Ahlu Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegayo in 24 saac ee soo socoto la filayo in guddiga Doorashooyinka Galmudug ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan Liiska Xildhibaanada Ahlu Sunna ee maalmihii ugu dambeeyey uu muranka ka taagnaa.

Xildhibaanada uu guddiga ku dhawaaqi doono ayaa waxay yihiin kuwii ay dhawaan soo bandhigtay Ahlu Sunna oo ay diiday inay badasho kadib markii odayaasha dhaqanka Beelaha qaar ay ka hor imaadeen.

Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa amar ku siiyey guddiga doorashooyinka Galmudug inay aqbalaan Xildhibaanada 20-ka ah ee Ahlu Sunna soo gudbisay isla markaasna ay si rasmi ah ugu soo bandhigaan Saxaafadda.

Guddiga doorashooyinka ayaa hadda u xayiran inuu Sheekh Maxamed Shaakir soo gudbiyo liiskaas oo saxiixan, wuxuuna qorshaha ahaa inuu Xalay soo gudbiyo balse dib u dhac ayaa ku imaaday waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socdo u gudbiyo Guddiga.

Inkastoo la filayo inuu Guddiga ku dhawaaqo liiska Xildhibaanada Ahlu Sunna, haddana waxaa weli jira Beelaha qaar ee dega deegaannada Galmudug oo diidan Xubnaha Baarlamaanka Galmudug laga siiyey Ahlu sunna, iyaga oo sheegaya in Xubnihii ay lahaayeen la siiyey Urur gaar ah.

Beesha Ceyr oo ay Ahlu Sunna ka qaadatay inta badan Xildhibaanada ay ku lahaayeen Galmudug ayaa dhawaan lagu qanciyey inay u tanaasusho Ahlu Sunna si loo dardargeliyo howlaha doorashada Galmudug oo muddo badan xayiran.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this