Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Cumar Filish oo soo saaray amarkii ugu adkaa intii xafiiska joogay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, ayaa soo saaray amar adag oo ku wajahan inta badan shaqalaha dowladda Hoose ee gobalka Banaadir iyo maamulada degmooyinka qaar.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in inta badan degmooyinka gobolka Banaadir lagu amray in maanta dhamaan shaqaalaha ka shaqeeya ay isugu yimaadaan Dugsiga tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Janaraal Kaahiye.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in warqad loo qaybiyay guddoomiyaasha, ku xigeenadooda iyo Xoghayaasha degmooyinka, waxaana lagu amray in ay soo gudbiyaan qofkii degmada ka tirsan ee maanta imaan waayo Janaraal Kaahiye.

Ujeedada dadkaan loo wacay ayaa lagu sheegay in ay tahay, ka qaybgalka Banaanbax looga soo horjeedo Al-Shabaab, gaar ahaan qaraxii 28-kii bishii December ka dhacay Ex Kontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad ka badan 80 qof.

Hore waxaa jirtay warar soo baxayay oo ku saabsanaa Banaanbaxa, kaas oo la qorsheynayay inuu ka dhaco Garoonka Kubadda Cagta ee Eng Yariisow balse saacadihii dambe ee shalay ayaa qorshahaasi la badalay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this