Sign in to follow this  
Deeq A.

“Kursiga Nin Ayaa Ku Fadhiya Ee Aynu…” Cali Warancade Oo Ka Hadlay Murrashaxnimada Maxamuud Xaashi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cali Warancadde la taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Biixi ayaa Maxamuud Xaashi Cabdi uga digay in uu xilligan isu taago jagada guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo madaxweyne Biixi hayo.

8.png

Cali Warancadde oo la hadlaya Maxamuud Xaashi wuxuu yidhi “Aniga Iyo Maxamuud Xaashi-na Waxaan Leeyahay “Nin baa Kursiga Ku Fadhiya ee yeynaan daaqadaha Ku Garaacin ee aynu sugno”.

Mar kale wuxuu Warancadde sheegay in uu leeyahay han ilaa heer madaxweyne ah “Nin Dhalinyaro ah baan ahay Timaha Ayuun baa I cadaaday mooye laakiin hankaygii Madaxwaynenimo wali waa taagan yahay, waxaan filayaa cid iga Dheereynaysaa Inaanay Jirin.”

Warancadde ayaa sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay telefishanka Bulsho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this