Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyada Weerarkii Dadka Badan Ku Dhinteen Ee Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Ex koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

157774008399166.jpg

Cod soconayay 20 daqiiqo oo laga baahiyay idaacada afkooda ku hadasha ee Andalus ayaa kooxda ku sheegatay in weerarka ay ka dambeysay.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali dheere ayaa sheegay in ujeedkooda uu ahaa ciidammada Turkiga.

Cali dheere ayaa dhanka kale digniin u diray xukuumada Turkiga oo uu sheegay in ay beegsan doonaan xarumaha ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this