Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Deni iyo Macallin Maxamuud oo ku heshiiyay in la fashiliyo doorashada Villa Somalia ka waddo Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Shiekh Xasan faarax, oo kulan qarsoodiya ku yeeshay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, ayaa ku heshiiyay in la fashiliyo doorashada qorshaysan in laga qabto dowlad goboleedka Galmudug oo ay dabada ka riixayso xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ilo’ xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Puntland Post, Macallin Maxamuud oo todobaadkan safar aan la shaacin ku yimid magaalada Garoowe, ayaa xarunta madaxtooyada kulan qarsoodiya kula yeeshay  madaxweynaha Puntland, waxaana kulankaasi looga wada-hadlay laba qodob oo kala ah; in la fashiliyo qabsoomidda doorashada Galmudug ee Villa Somalia waddo iyo in la sameeyo isbaheysi ka dhan ah Khayre iyo Farmaajo oo ku wajahan doorashada heer Federaal ee 2020/2021.

Kulanka labada mas’uul oo saacado badan qaatay, ayaa lagu gorfeeyay tallaabooyinka ay tahay in la qaado, si loo fashiliyo doorashada Xukuumadda Federaalku ka waddo Galmudug, waxaana ay markii dambe ku heshiiyeen in Ahlusunna qaaddacdo doorashada Galmudug,kuna baaqaan in dadka Reer Galmudug loo madax-banneeyo masiirkooda.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa Macallin Maxamuud ku daray  is-bahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Farmaajo iyo Khayre, kaasi oo ka kooban Madasha Xisbiga Muqdisho, Puntland, Jubaland, iyo Ahlusunna kuna jihaysan doorashada 2020/2021.

Isbaheysiga doorashada 2020/2021-ka ayaa waxa gadaal ka taagan siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo maalmo ka hor Garoowe ka dhoofay, kadib markii uu madaxweyne Deni ku qanciyay in la as’aaso Isbaheysi siyaasadeed oo ku salaysan doorashada soo socota.

Madaxweyne Deni ayaa ka qabsi qaba in doorashada Galmudug uu ku soo baxo siyaasi Villa Somalia wadato, kadib markii sida la sheegay uu ogaaday in guddiga doorashada Galmudug ay musuq maasuq ku sameeyeen saxiixa odayaasha dhaqanka, islamarkaana ay meesha ka saareen odayaal-dhaqameed soo jireen ah oo saxiixi jiray xildhibaannada Galmudug.

Sidoo kale, Deni ayaa walaac ka qaba lacago malaayiin Dollar ah oo Xukuumadda Federaalku ku bixinayso, sidii uu dooorashada madaxtinimada Galmudug ugu soo bixi lahaa  nin lagu magacaabo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo maqaar-saar ah.

PUNTLAND POST

The post XOG: Deni iyo Macallin Maxamuud oo ku heshiiyay in la fashiliyo doorashada Villa Somalia ka waddo Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this