Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka ku macaashka magaca dhalinta reer Somaliland ee Sonyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka ku macaashka magaca dhalinta reer Somaliland ee Sonyo

Ururka dalinyarada Sonyo wuxuu ka leexday dhabihii horumarka lagu gaadhsiin lahaa dhalinyarada somaliland,wuxuuna noqday mid ay ku qadhaabtaan dhalinyaro aan damiirkoodu sida saxda ah u shaqaynayn oo dhaammeel raac ah,isla markaana macaash uun kaligood ka raadsada .waxa kale oo halkaaas ka dareemaysaa inay ururkan curyaamisay caadifad ku dhisan nidaam kooxaysi oo ah halbeega ay ku cabiraan cida ay danaynayaan ama ay ku meel marsan karaan musuq maasuqa iyo hantida ay ku boobayaan magaca dhalinta somaliland guud ahaan.
Ururkan sonyo maaha mid ku dhisan caddaalad iyo sinnaan waayo gobolada somaliland dhalinyaradeedu maaha mid ay ku midoobeen balse waxa muuqata inay cid gaari ku kooban tahay ama hadba ciday u arkeen in ay la shaqeyn karto ay raadiyaan si ay ugu meel mariyan danahooga .

micnaha iyo nuxurka uu ururkani xambaaarsan yahay oo ah nidaam sifo khaldan taladiisa loo maroorsday iyo meherad dad gaari ay dheeftiisa manaafacaadsadaan.
Marka laga hadlayo urur dhalinyarada somaliland magacood huwan waa yaabe ma wuxuu noqon karaa mid ay koox yari uga faa’iidaysato daneheedda gaarka ah? Mise damal hadhweynoo ay ku midaysan yihiin dhalinyarada s/land bari ilaa galbeed?
Hashu maankayga gadaye ma maansaar bay liqday!

Ururka sonyo waa magac u yaal bahdilay magacii iyo milgihii ay lahaayeen dhalinyarada somaliland waxay ku fashilmeen inay wax muuqda u qabtaan dhalinyarada somaliland ee ay magacooda huwan yihiin.
Ma qabtaan doodo cilmiyeed oo dhalinta lagu dhiirigelinayo si ay hammigooda uga midho dhaliyaan
Kamana qayb qaataan dhinaca ciyaaraha oo furre u noqon lahaa isdhexgalka bulshada iyo baraarujinta dhalinyarada lagaga wacyi gelinayo caadooyinka xunxun iyo masiibada tahriibka oo noqotay aafo saamayn taban ku yeelatay mujtamaceenna da’yartiisa oo u hanqaltaagaysa dibeddaha ama qurbaha inay u tacabiraan.Ma jiraan waxqabad taabbo gal ah oo ay ka sameeyeen gobolada somaliland balse marka laga yimaado qaab dhismeedka ururkan ayaa noqday mid u janjeedhsaday nidaam ka duwan kan uu magaciisa huwan laakiin markaad dhab ahaan u kuur xusho ayaa fahmi kartaa karti darada iyo aqoon la’aanta baahsan ee hadhaysay sonyo.
Waxaana ragaadiyey musuq maasuq iyo maamul xumo waayo ma jirto guddoon lagu midaysan yahay oo si hufan loo doortay oo ku dhisan aqoon, hufnaan iyo karti lagu xulan karo shakhsiga hoggaaminaya urur xambaarsan dhalinyarada s/land magaceeda,waxaynu maqalaa guddoomiyaha ururka sonyo ayaa la doortay iyadoo aanay jirin tartan adag oo dhex maray dhalinta iyo cid sharaxan toona sido kale waxa jirtay in sifooyinka loo soo xalay (selection) oo khaladad badan hadheeyey madama dhalinyaradii so xareysatay araajida aan loo sheegin  halka dhabta ah ay ku xareyaan cv yadooda oo email khaldan loo sheegay si loo dhaafiyo fursada oo cid ay danoga marsadan ay so cumaamadaan

taasina waxay marag ma doon u tahay isu dheelli tirnaan la’aanta ka dhex jirta ururkan sonyo ay ku dhisan yahay kooxaysi iyo shakhsiyaad kaligood isku camiraWaxaanay maax dumisay kumanaan dhalinyaro ah oo hammigoodu gaadhsiisan yahay inay hoggaamiyeyaal lagu hirto noqon lahaa

Ururkani waxa ku midoobay dhalinyaro ******** ah oo isbaaro u dhigtay horumarkii iyo hilinkii toosnaa ee ay dhalinyaradu ku meel marin lahaayeen hammigooda maskaxdoodana ku tuujin lahaayeen dalkana uga faaiidayn lahaayeen, haday noqoto waayo aragnimada balaadhan ee ay leeyihiin iyo aqoonta ku duugan intaba, waxaanu idinla wadaagi donaa habkii ay ku dhacday doorashada ururku iyo musuqmaasuqa baahsan ee ka jira isla ururka dhexdiisa la soco maalmaha soo socda hadii alle yidhahdo 

TALO SOO JEEDIN………..1:Waa inay dhalinyarada somaliland ka damqadaan kana dhiidhiyaan ururkan magacoodii iyo milgohoodiiba iyo karaamadii ay lahaayeen daciifiyey una horseeday nusqaanta.2:waa inay dhalinyaradu sameeyaan kacdoon ka dhan ah damiir laaweyaashan caadaystay inay ku guuraan magacooda kuna qadhaabsanaya sharafteenna iyagoo ka been sheegaya tubta toosan ee dhalinta lagu gaadhsiin karo horumar taabbogal ah oo ay dhalintu ku tallaabsdaan.3;inay xukuumadda iyo ururadda caalamiga ahi ka fiirsdaan ururkan sonyo kana joojiyaan lacagaha ay kaga qaadanayaan mashaariicda been abuurka ah ee aanay fulin.4:in ururkan sonyo guud ahaantiisba laga tirtiro saaxda ururada somaliland loona aqoonsado mid ku saqiiray dantii loo xilsaaray lana sameeyo urur heer caalami ah oo dhalinyarada u horseeda guul GUNAANAD…….Waxaan xukuumadda u sheegayaa kuna boorinayaa in ururka dhalinyarada sonyo uu noqday mid ka gaabiyey waajibaadkii iyo xilkuu dhalinyarada ugu magacwnaa sidaa daraadeed xukuumadda ayaa looga fadhiyaa inay xayiraad saaraan guud ahaan ururkan dhaqdhaqaaqiisa inta la helayo mid ay dhalinyarada somaliland oo dhammi ay ku midaysan yihiin oo dhexdhexaad ah haystana kalsoonida da’yarta.
Insha allah qaybta labaad filo maalamaha soo socdoAhmed ismail leewar
Hargeisa somaliland
Axmedismail029@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this