Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin la xiriira maqaamka Muqdisho oo loo gudbiyey guddoonka baarlamanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Caasimadda Online ayaa ogaatay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay gudbiyeen mooshin ku saabsan maqaamka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Xildhibaanada mooshinka gudbiyey ayaa gaarayo illaa 126 Xildhibaan, waxaana hormuud u ah Cabdulqaadir Cosoble, oo soo diyaariyey mooshinka, kana saxiixay xildhibaanada kale.

Mooshinkaan oo loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka ayaa waxaa la qabtay Maanta oo ay taariikhdu tahay 30/12/2019 sida ku cad waraaqda mooshinka ee la gudbiyey.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyey ayaa sheegay in mooshinkooda uu waafsaqsan yahay qodobka 9-aad ee dastuurka Soomaaliya oo dhahayo: “Maqaamka Magaalada Madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib u eegista Dastuurka, waxaana sharci gaar ah kasoo saari doono labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

Mooshinkaan ayaa waxaa ololahiisa waday muddo waday Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, oo ay ka go’an tahay sidii ay Muqdisho u heli laheyd maqaamkeeda.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda mooshinka ee loo gudbiyey guddoonka Baarlamaanka

Page1-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this