Deeq A. Posted December 30, 2019 Howlgalo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo howlgalka ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa lagu dilay xubno ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Howlgalladaan oo laba qeybood ahaa kan koowaad waxa shalay oo sabti aheyd laga fuliyay deegaanka Cali Barroow waxaana lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Howlgalka xigay oo isla shalay gelinkii dambe ciidanku ka fuliyeen deegaanka Kuunya Barroow waxaa lagu dilay sarkaal kale, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladda. Ma jirin wax khasaara ah oo shacabka ka soo gaaray intii lagu jiray howlagadaasi dhanka cirka ah. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada dhaca koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites