Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xildhibaan amray in maqaayadiisa laga hor qaado kontarool laga ilaaliyo madaxtooyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in uu maqaayad uu leeyahay ka hor leexiyo mid kamid ah Kontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Kontaroolkaan oo ku yaallo agagaarka Xaawo Taako, ayaa dhagxaantiisa la dhigay ka soo horjeedka Maqaayadda Blue Sky ee uu leeyahay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, oo aan go’aansanay inaynan magacaabin.

Xildhibaanka ayaa madaxtooyada Soomaaliya uga dacwooday Kontaroolkaan maadaama maqaayadda horteeda ay istaagi jireen gaadiidka, kadibna ay kasoo lugeen jireen dadka sita karaka aqoon siga dowladda, taas oo saameyn ku yeelatay shaqada maqaayadda.

Inkastoo Xildhibaanka laga hor qaaday, ayaa hadane ciidamada ay kontaroolka hor dhigeen maqaayad kale oo ku dhagan oo uu leeyahay qof shacab ah.

Milkiilaha maqaayadaan ayaa yiri “Aniga Xildhibaan ma’ahi wax walba oo aan sameeyayna waa layga qaadi waayay, mana jirto cadaalad darro ka weyn in Xildhibaan laga hor qaado, qof kale oo muwaadin ahna la hordhigo, canshuurna layga qaado.” ayuu yiri Milkiilaha Maqaayadda ee hada la hor dhigay Kontaroolka laga soo raray maqaayad kale ee uu leeyahay Xildhibaanka ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Wixii ka dambeeyey weerarkii horraantii bishan lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, oo aad ugu dhow Villa Somalia, waxaa lasii adkeeyey amniga madaxtooyada, ayada oo la kordhiyey baraha control ee dalka lagu baaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this