Sign in to follow this  
Deeq A.

Deg deg: Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo inta badan jugtiisa laga maqlay xaafadaha Muqdisho ayaa waxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid kacsan.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dad rayid ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta buux dhaafiyey, kuwaas oo gabi ahaan xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex-Koontarool Afgooye.

Faah faahinta kala soco, caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this