Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno Al-Shabaab ah oo ku dhintay qarax ay kasoo baxayaan warar kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobalka.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Hargeysa Yarey oo ka tirsan degmada Jilib, waxaana la sheegay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rag ku howlanaa diyaarinta qaraxaasi.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ka dhacay gur,i islamarkaana uu ahaa qarax gaari oo la diyaarinayay.

Sidoo kale dadka aan la hadalnay ayaa sheegay in ay arkeen meydadka dad guriga laga soo saarayay.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa uu jiro balse aysan ogeen inta uu khasaaraha la egyahay.

“Saakay waxaa maqalnay dhawaaqa qarax culus oo ka dhacay Hargeysa Yar, guri ayuu ka dhax dhacay waxaana la isku dhax wadaa in uu ahaa qarax la diyaarinayay iyo wax cirka ka yimid balse dadka ugu badan waxay sheegayaan in uu qoladii ku qarxay, qarax ay diyaarinayeen” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Jilib oo la hadlay Caasimada Online.

Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 dagaalame oo ahaa kuwada qarxayada gaadiidka ku diyaariya ay halkaas ku dhinteen, 7 kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Habeeno ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab uu ku qarxay gaari ay qarax ku diyaarinayeen, degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobalka Mudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this