Deeq A. Posted December 27, 2019 Jowhar (SMN) – Xoogsatada ku dhaqan Jowhar, caasimadda HirShabelle, ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin ciidamada dowladda. Aadan Cali Muumin, oo kamid ah muruq-maalka magaaladaas, ayaa tilmaamay in askarta ay waydiiyaan lacago aan canshuur ahayn. Muumin oo la hadlay Shabelle ayaa daboolka ka qaadey in ciidamadda ay u awood sheegtaan markay waydiinayaan lacagta. Sidda uu ka dhawaajiyey Muumin, askarta ayaa nolosha dhaafiya shaqsigii ka biya-diida bixinta lacagtaas baadda ah. Hay’addaha kala duwan ee maamul goboleedka iyo dowladda federaalka ah ayuu cod dheer kaga dalbaday in ay wax ka qabtaan xaaladooda. Sikastaba ha ahaatee, shalay ayay ahayd markii askari uu Jowhar ku dilay wiil u diiday shan kun oo Shilin Soomaali, taasoo caro abuurtay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites