Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad looga horjeedo Puntland oo ka socda degmada Xiingalool

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaharaad looga horjeedo in cid ka tirsan dowladda Puntland ay timaaddo degmada Xiingalool, oo ay abaabuleen shacab ka caraysan xilka qaadistii Dhooba-daareed, ayaa maanta ka socda degmadaasi Xiingalool ee gobolka Haylaan.

Qaar kamid ah bulshada degmada Xiingalool, oo u badan dhalinyaro iyo haween ,kuna dhawaaqaya ereyo ka dhan ah Puntland, ayaa maanta socod ku maraya waddooyinka Xiingalool xilli la filayo in Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland uu maalmaha soo socda booqdo degaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Dadka mudaharaadka samaynaya ayaa gudaha magaalada Xiingalool ku gubaya taayirada gaadiidka. Xiingalool ayaa kamid ah degaannada la filayo in uu booqdo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Gobollada Sanaag iyo Hayland, ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto xiisad ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland, Cabdixakiin Xaaji Maxamed Dhooba-daareed, kaasi oo xilka looga xayuubiyay mooshin ay dabada ka riixaysay xukuumadda Puntland.

PUNTLAND POST

The post Mudaharaad looga horjeedo Puntland oo ka socda degmada Xiingalool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this