Deeq A. Posted December 26, 2019 Hargeysa (SMN) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulankii labaad la yeeshay hogaanka xisbiyadda mucaaradka. Kulankaan ayaa looga hadlay qodobadii ay kala saxiixdeen ee ku saabsanaa doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka. Madaxtooyadda Somaliland ayaa shaacisay in leysla qaatay in xukuumadda talada haysa la siiyo 15-casho oo ay doorashooyinka ku qabaneyso. Doorashooyinka degaanka iyo baarlamaanka Somaliland ayaa lix jeer baaqday lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana walwal ka muujiyey caalamka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites