Sign in to follow this  
Deeq A.

Mooshin ka dhan ah Waare oo loo gudbinayo baarlamaanka HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Mooshin ka dhan ah madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la filayaa in xildhibaanada Baarlamaanka ay gudbiyaan, waxaana la fahamsan yahay in 40 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka ay isku raaceen iney gudoonka wakiilada u gudbiyaan go’aankoda.

Waxaa la fahamsan yahay in maamulka HirShablle uu yahay mid gudan waayay waajibkii saarnaa, sidoo kalana gabi ahaan wax ka qaban waayay amaanka, horumarka iyo dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab sida ay ku doodayaan Sharci-dejiyeyaal.

Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan xubnaha wada mooshinkaan, balse waxaa la ogyahay inuu socdo abaabulka, sidoo kalana xubin ka tirsan Baarlamaanka oo taageero weyn u ah xukuumadda hadda ayaa la hadlay saxaafadda.

Aadan Kaladire wuxuu aaminsan yahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay wadaan mooshin aan wakhtigaan loo baahneyn, kaas oo keeni kara buuq siyaasadeed.

Sida la ogyahay dhamaadkii 2017 ayey aheyd markii madaxweyne Maxamed Cabdi Waare loo dhiibay xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana jirta in lagu guuldareystay dhawr mooshin oo laga gudbiyay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this