Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad kasoo dhex ifbaxaysa Farmaajo iyo James Swan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxaya khilaaf iyo xiisad bilow ah oo ka dhex oogan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uusan la dhacsaneen dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee uu dalka ka wado James Swan.

Swan ayaa si xowli ah u wada wadatashayada ku aadan nuuca doorasho ee dalka ka dhici karto, isagoo la qaadanaya masuuliyiinta maamul gobaleedyada, xisbiyada mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka, kuwaas oo dhamaantood aan ku aragti aheyn Madaxweyne Farmaajo.

Kulan ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa looga hadlay wadatashiyada James Swan iyo saameynta ay ku yeelan karto rabitaanka nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa ee uu doonayo madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay in arintaasi ay muhiim tahay in lagala hadlo Swan.

Swan ayaa la kumay ra’iisul wasaaraha, afhayeenada baarlamanka, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda xisbiyada, balse weli lama kulmin madaxweynaha, waxaana la sheegay in madaxweynaha uu ka meer-meerayo kulanka.

Farmaajo ayaa rumeysan in dalka ay maamusho dowladda, ayna tahay inay ayaga go’aan ka gaaraan doorashada, halak Swan uu rumeysan yahay in talada dalka ay wada leeyihiin dowladda, mucaaradka iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo koox kale oo ku xiran Xafiiska madaxweynaha ayaa doonaya in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo aysan dadka oo dhan ka qeyb-gelin balse tiro yar oo dadka oo dhan wakiilka ka noqonaya, la iskuna keenayo Muqdisho.

Dhinaca kale, Xisbiyada, madaxda Maamul Gobaleedyada, Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaba in aysan suurtagal in dhowr kun ay ka wakil noqdaan dhowr milyan, sidaas darteedna maadaama aan dalka oo dhan doorasho qof iyo cod ah laga hir-gelin karin, ay tahay in la helo nidaam kale.

Su’aasha taagan ayaa ah James Swan ma mari doonaa wadadii Nicholas Heysom oo ah wakiilkii ka horeeyay?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this