Deeq A. Posted December 24, 2019 Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay banaanbax ay dhigeen dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi. Dibadbaxaan ayaa waxaa looga soo horjeeday saddex Masaajid oo dhowaan lagu gubay deegaanka Amxaarada, falkaasi oo ay geysteen kooxo Masiixiyiin ah. Boqolaal dadweyne ah oo careysnaa ayaa ka qeyb galay banaanbaxaan, kuwaas ku qeylinayey hal ku dhigyo ka dhan ah kooxihii ka dambeeyey falkaasi wuxuushnimada ah. Dhinaca kale Sheekh Cabdul-Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho uga warramay dhacdadaasi iyo waxa ay ka qabto shareecada islaamka in la gubo goobaha MAsaajida ama lagu cibaadeysto ee Muslimiinta. Sidoo kale Sheekh Cabdul-Xayi ayaa cod dheer ku sheegay in Ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhiidhiso falalka noocaan oo kale ah, islamarkaana ay muhiim tahay inay sameeyaan isku soo baxyo waa weyn oo lagu difaaca Diinta suuban ee Islaamka. Halkaan hoose ka dhageyo Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Jaamac-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites