Deeq A. Posted December 24, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saacadihii la soo dhaafay ka dhacay halka loo yaqaano Doonka oo hoos yimaada degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Weerarka oo ahaa mid dhaba gal ah ayaa la sheegay in lagu qaaday ciidamo ku sii jeeday deegaanka Bali-Doogle ee gobolkaasi. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaan, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Mutawkil.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites