Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga dib u-eegista Dastuurka oo la kulmay Baarlamanka Hirshabeelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga dib u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga joogtada ee Golaha Wakiilada Hirshabeele, kaasi oo ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa looga hadlay hannaanka loo marayo dib u eegiska dastuurka.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dib u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Kaamil ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa soo bandhigista cutubyo ka tirsan dastuurka oo wax ka badal lagu sameeyay iyo in latashiyo lala yeesho guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa soo dhaweeyay wafdiga ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu intaa ku daray inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada dhameystirka Dastuurka dalka.

PUNTLAND POST

The post Guddiga dib u-eegista Dastuurka oo la kulmay Baarlamanka Hirshabeelle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this