Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka taagan degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn ee Puntland ayaa sheegaya in halkaasi saaka ay ka taagantahay xiisad u dhexaysa laba malayshiya-beeleed kadib markii xalay degaanka lagu dilay qof shacab ah.

Dilka ka dhacay tuulada HORU-FADHI ayaa sida la xaqiijiyay waxa uu la xiriiray aano-qabiil waxaana ku dhintay nin ka soo jeeda dhinacyada dirirtu ka dhexayso taasi oo mar kale xiisad colaadeed abuurtay.

Xiisadda ka soo cusboonaatay degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn ayaa sida la sheegayo salka ku haysa dagaal-beeleedyo horay marar kala duwan halkaasi uga dhacay kuwaasi oo u dhexeeya laba beelood oo degaanka wada-deggan.

Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in Waxgaradka iyo Odayaasha magaalada Buuhoodle ay ku hawllan yihiin sidii loo dejin lahaa xiisadda ka aloosan degaanka islamarkaana looo baajin lahaa colaad mar kale dhacda.

PUNTLAND POST

The post Xiisad ka taagan degaanka HORU-FADHI ee gobolka Cayn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this