Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo weli ka socda Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamada milatariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ka wadaan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanka Xaaji Cali iyo nawaaxigiisa, halkaas oo uu dhowaan gaaray taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Ujeedka howlgalladaan cusub ayaa ah sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ku xeeran degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in markale dagaal culus uu ka qarxo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this