Sign in to follow this  
Deeq A.

3 farriin oo kala duwan oo jahwareer sababay oo caawa lala wadaagay xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa lala wadaagay caawa 3 farriin oo kala duwan, kuwaas oo jahwareer iyo is-weydiin badan dhaliyey, sida ay qaarkood u sheegeen Caasimada Online.

Tan koowaad ayaa lagu sheegay in ajandaha kulanka berri uu yahay, u codeynta hindise sharciyeedka maareynta iyo maamulka maaliyadda dalka, u codeynta hindise sharciyeedka shirkadaha iyo aqriska seddexaad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka

Markiiba waxaa xigtay farriin kale oo mudanayaasha lagu war geliyay in kulanka berri laga saaray aqriska hindise sharciyeedka doorashooyinka, waxaana xigtay farriin kale oo sheegeysa in gabi ahaanba kulanki baarlamanka uu yeelan lahaa berri oo isniin ah, 23-ka bisha, uu baaqday.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta sidan loo sameeyey iyo in kulanka uu dhici doono iyo in kale, balse waxaa muuqda isku day la doonayo in lagu hakiyo ansixinta sharciga doorashooyinka, oo ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Waxaa sidoo kale farriimahan laga dheehan karaa heerka uu gaaray khilaafka Xukuumadda iyo madaxtooyada u dhexeeya, iyadoo lagu loollamayo awoodda baarlamanka ku dhex leeyahay xafiis kasta.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre aya ala rumeysan yahay inuu taageersan yahay sharciga doorashooyinka, halka madaxweynaha uu diidan yahay.

Kheyre oo rumeysan in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, ayaa waxaa sidoo kale ku aragti ah dhammaan maamul goboleedyada, inta badan xildhibaanada iyo afhayeenka golaha shacabka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this